Safaarada Soomaaliya ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in la qorsheynayo soo celinta qaxooti Soomaaliyeed oo gaaraya 4,000 00 qof kuwaa oo imika ku nool gudaha dalka Mareyklanka.
“Waxaan wax ka baranay ilaha muhaajiriinta gaar ahaan tirada dadka Soomaalida ee codsigooda aan la’aqbalin xogta laga helayo waaxda muhaajiriinta iyo dib u dejinta waxeey gacanta ku hayaan soomaali gaareysa 4,000 oo qof kuwaa oo dalka mareykanka oo dib loogu soo celin doono Soomaaliya” sidaas waxaa laanta afka soomaaliga ee VOA u sheegay Ahmed Isse Awad Safiirka Soomaliya ee Mareykanka.
Tan iyo markii la’furay safaarada soomaaliya ay ku leedahay magaalada Washington ee dalka mareykanka November 2015 waxaa dib magaalada mogdishu loogu soo celiyay 170 qaxooti Soomaali ah oo loo diiday aqoonsigooda qaxootinimo.
Intooda badan qaxootiga soomaalida ah ee la’soo celiay ayaa codsi qaxootinimo dalbaday balse loo diiday in daganaasho ay helaan waxaana qaar badan oo kamid ah muhaajiriinta Soomaalida ee hadda ku nool dalka mareykanka lagu xiray xabsiyada dalkaasi waxaana ay sugayaan in dib loo soo celiyo.
In ka yar 300 oo qaxooti Soomaali ah ayaa la qorsheeyay labada bil ee soo socota in Mogadishu laga soo dejiyo sida VOA-da uu u sheegay Awad isagoo intaa ku daray in ay dowlada mareykanka ay ka sugayaan xogta ku aadan dadkan dib loo celinayo iyo waqti la’celin doono.

