War Deg Deg:-Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaliya iyo Mas’uuliyiin Kale oo Xilalka Laga Qaaday

0

Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha Eng C/raxmaan Cusmaan Yariisow ayaa shaqada ka joojiyay Agaasimaha wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaliya Bahlaawi iyo Agaasime waaxeedyada Tv iyo idaacada kadib eedeymo la xiriira maamul-xumo iyo musuqmaasuq.

Maamulka Wasaarada warfaafinta ayaa waxaa iska haystay dowladihii dalka soo maray shaqsiyaad gaar ah waxayna ahaayeen shaqsiyaad awood badan ku lahaa Xukuumadihii dalka soo maray, balse Eng Yariisoow ayaa qaaday talaabo uu isbadal ugu sameynayo maamulka wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaliya.

“Waxaan maanta shaqo ka fariisin ku sameeyey Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha Maamulka ee Wasaarada Warfaafinta, ka dib eedeymo la xiriira maamul-xumo iyo musuqmaasuq. Dowladda Federaalka wey ka go’antahay inay si kasta ula dagaasho maamul xumada iyo musuqmaasuqa”, ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Eng yariisow.

Si KMG agaasime guud waxaa loo Magacaabay Abdiraxmaan Alcadaala.
Agaasimaha Tv qaranka loo Magacaabay Liibaan Abdi Ali.
Waaxda Maamulka iyo Qorshaynta Naasir xasan Xusayn.
Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdifitaax daahir Jayte.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here