Mahdi “Doorashada One Man One Vote ayaa Dalka Laga Dhaqan Galin Doonaa 2020-ka”,+Dhageyso

0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Faderaalka ah ee Soomaaliya Mudane Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in Dowladda cusub ee Soomaliya ay afarta sano ee soo socota dalka gaarsiin doonto barnaamijka one person one Vote, oo la filayo in Soomaliya laga hirgaliyo sanadka 2020-ka.

Mudane Abuukaate Mahdi Maxamed ayaa tilmaamay in nidaamkaas la doonayay in dalka laga dhaqan galiyo sanadkii aynu soo dhaafnay laguna soo doorto dowlada haatan dalka ka jirto, balse ay timid caqabad ku aadan in aysan Umadda Soomaliya u aqoonin barnaamijka one person one Vote oo dowladaha Horumaray ay isticmaalaan.

“One Man One Vote ma ahan ee waa one person one Vote, ama One Women, doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkan 2020-ka waa doorashadaas, mudadaas waxaa laga shaqeyn doonaa sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa dastuurka dalka u yaala xaqiijinta amniga, arrimahaas oo idil waxaan kala kaashan doonaa Baarlamaanka Federaalka Soomaliya”, ayuu yiri Abuukaate Mahdi Maxamed.

Doorashadii lagu soo doortay Dowladda Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa aheyd mid lagu soo dhisay si deegaan ah, madaaam Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya iyo aqalka Sare laga soo doortay deeganada ay kasoo jeedaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here