Laacibka qadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Arturo Vidal ayaa aaminsan In kooxda Beyer Munich ay ka awood badan Tahay kooxdiisa Hore ee Juventus,
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Chile ayaa dhawaan ka Tagay Magaalada Turin ee dalka Talyaaniga isagoona ku biiray kooxda dalka germany ee Beyer Munich oo kamid ah kooxaha xiligaan ugu awooda badan qaarada Yurub,
Dhan kale Arturo Vidal ayaa kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga kula Guuleystay afar koob oo Horyaalka dalka Talyaaniga intii uu ku sugnaa Horyalka Dalka Talyaaniga,
Kooxda Talyaaniga ee juventus ayaa xili ciyaareedkaan Lumisay xidigo Muhiin ah oo ay kamid Yihiin Vidal, Andrea Pirlo iyo Carlos Tevez,

