Xaalada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa wali kacsan kadib markii saakay Aroortii ay xabado isku-weedaarsadeen Ciidamo ka kala Tirsan Maamulada Galmudug iyo Puntland oo dhawaan Magaladaas ku dagaalamay,
Qaar kamid ah dadka Wali ku Nool Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa idaacada simba ee Magaalada Muqdisho u sheegay in xaalada ay Tahay xiligaan mid aad kacsan rasaasna la Maqlaayo.
Odayaasha iyo waxgaradka Magaalada Gaalkacyo ayaa Wali dhankooda ku Howlan sidii xal loogu Gaari Lahaa Colaada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo dhawaan ay kuwada dagaalameen Ciidamo ka kala Tirsan Maamulada Galmudug iyo Puntland,
Dhanka kale Raisulwasaaaha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke oo xalay Kulan kula qaatay Madaxtooyada Maamulka Puntland Madaxweynaha Maamulkaas, ayaa maanta Lagu wadaa in uu gaaro Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo ah meesha ay isku Hor Fadhiyaan ciidamada ka kala Tirsan Maamulada Galmudug iyo Puntland,

