Raisulwasaaraha soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo maanta Gaaray Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa caawa kulan kula leh xarunta Madaxtooyada Maamulka Puntland Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas,
Ujeedka safarka Magaalada Garoowe ayaa Lagu sheegay sidii uu Raisulwasaaraha soomaliya ugu qancin lahaa Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Gaas in uu aqbalo heshiiska Lagu gaari doono Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo dhawaan Lagu dagaalamay,
Mudane Cumar C/rashiid ayaa isla Maanta Gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud isagoona Halkaas Kula soo Kulmay Madaxdweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo ay kawada Hadleen Xalinta Colaada Magaalada gaalkayo ee Gobolka Mudug,








Maxamed Maxamuud Saney liked this on Facebook.
Is afgarad ayaan ka rajeeneena