Millionaire-ka ugu Lacagta dalka india ayaa aduunyada ka yaabsaday kadib markii Xaflada arooska wiilkiisa uu ka dhigay 3-Maalin Tasoo ka dhacaysa Magaalada Florence ee dalka Talyaaniga.
Rohan Mehta, waa wiilka uu dhalay ninka ugu lacagta badan dalka India oo Lagu magcaaabo Yogesh Mehta, wuxuuna Magaalada Florence ee dalka Talyaaniga loogu dhigi doonaa xaflada arooskiisa kadib markii ay is Gacloodeen Gabadha La Yiraahdo Roshni oo ah gabar mudo ay isla socdeen,
Dhanka kale Inta la xaqiijiyay waxaa Xaflada arooska kasoo qeyb Galaysa 500-qof waxayna xafalada arooska ay ka dhacaysaa mid kamid ah Hoteelada ugu qaalisan Magaalada Florence ee dalka Talyaaniga.
Mudane Yogesh Mehta ayaa lacag ahaan Hantidiisa waxaa Lagu qiyasaa $623million-oo dollar mareykanka wuxuuna ganacsiyo ku leeyahay Magaalada Dubia ee dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta.









