Sawiro:-Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo Raisulwasaaraha Soomaliya oo Caawa kulan ku Leh Madaxtooyada Garoowe

2

Raisulwasaaraha soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo maanta Gaaray Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa caawa kulan kula leh xarunta Madaxtooyada Maamulka Puntland Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas,

Ujeedka safarka Magaalada Garoowe ayaa Lagu sheegay sidii uu Raisulwasaaraha soomaliya ugu qancin lahaa Madaxweynaha Maamulka  Puntland C/wali Maxamed Gaas in uu aqbalo heshiiska Lagu gaari doono Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo dhawaan Lagu dagaalamay,

Mudane Cumar C/rashiid ayaa isla Maanta Gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud isagoona Halkaas Kula soo Kulmay Madaxdweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed  oo ay kawada Hadleen Xalinta Colaada Magaalada gaalkayo ee Gobolka Mudug,

p1(9).jpg p2(9).jpg p5(4).jpg p6(5).jpg p7(3).jpg p8(2).jpg

 

2 YORUMLAR

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here