Kadib kulan ay ku yeesheen Magaalada cadaado ee Caasimada KMG ah ee Maamulka Galmudug Xildhibaanada Baarlamanka maamulkaas ayaa waxa ay isku raaceen xiliga ay dhacayso doorashada madaxweynaha Maamulkaas.
Fadhigaan oo u shir gudoominayey gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Mudane Cali Gacal Casir ayaa waxaa soo xaadiray 52 xildhibaan, ilaa 28 xildhibaan ayaa aragtooda dhiibtay, iyagoo inta badan sheegay in aan la aqbali karin codsigii Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, kaas oo ahaa in doorashada Madaxweynaha Galmudug dib loo dhigo muddo 45 cisho ah.
Xildhibaanada ayaa gabangabadii u codeeyey laba aragti oo kala ahaa in doorashada la qabto 20ka April ama 10ka April, waxaana codeyn kadib natiijada noqotay sidaan
In doorashadu dhacdo 20ka April waxaa u codeeyey 20 xildhibaan.
in doorashadu dhacdo 10ka April waxaa u codeeyey 32 xildhibaan.
Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Galmudug Mudane Cali Gacal Casir oo kulanka kadib goobta ka hadlay ayaa sheegay in 10ka April ee soo socda ay xildhibaanada u codeeyaan in la qabto doorshada madaxweynaha cusub ee Maamulka Galmudug, kadib markii uu iscasilay C/kariin Xuseen Guuleed, islamarkaan wixii xiligaas ka horeeyo loo diyaar garoobi doono doorashada.
Dhanka kale Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Barlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa shirka isaga baxay intii aan doodu bilaaban, waxaana jiey xildhibaano kasoo horjeeda go’aankaas, islamarkaana gacanta iskula tagay.

