Xildhibaan Maxamed Xasan Geele oo kamid ah baarlamanka Maamul Goboleedka Galmudug ayaa maanta Feer ilkaha looga daa’diyey kadib dagaal ka dhashay kulan ay maantay iskugu yimaadeen baarlamaanka Maamulka Galmudug kaasi oo ka dhacay Magaalada Cadaado.
Kulanka maanta ayaa loogu doodayay waqtiga ay dhacayso doorashada madaxwaynaha Dowladd Goboleedka Galmudug, kadib markii uu dhawaan iscasilay Madaxweynihii Hore ee Maamulkaas C/kariin Xuseen Guuleed.
Xildhibaan Maxamed Xasan Geele oo ilkaha laga riday ayaa ka mid ahaa xildhibaanno soo jeediyey in la qaato codsigii Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali khayre ee ahaa nin 45 cisho dib loo dhigo doorashada madaxwaynaha Maamulkaas Galmudug.
Xildhibaankaan ka Tirsan baarlamanka maamulka Galmudug iyo Xildhibaano kale oo taageersanaa in lasoo hormariyo doorashada ayaa feer iskula tagay waxayna taasi ay keentay in uu waayo qaar kamid ah Ilkihiisa.


