Wafdi uu Hogaaminaayo Raisulwasaaraha soomaliya Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke ayaa gaaray goor dhaweyd Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Wafdiga Raisulwasaare waxaa kamid ah wasiirka Arimaha Gudaha dowlada Soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa, Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed iyo xubno,
Waxaa Magaalada cadaado ee Gobolka Galgaduud kusoo dhaweeyay Madaxda Maamulka Galmudug uu ugu Horeeyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed iyo Madaxweyne ku-xigeenka Iyo Madax kaloo ka Tirsan Maamulka Galmudug,
Wafdi Raisulwasaaraha ayaa loo Galbiyay Xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Maamulka Gamudug Halkaas uu kulan kula leeyahay Madaxda Maamulka Galmudug,
Dhanka Kale Raisulwasarae Cumar C/rashiid Cali sharmarke ayaa Lagu wadaa In uu gaaro Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug halkaas oo lagu wado in loogu dhaqaaqo Heshiis ay wada gaareen Maamulada Galmudug iyo Puntland oo dhawaan ciidamo ka kala Tirsan ay ku dagaalameen Magaalada Gaalkacyo,


Prince Lee Abdullahi liked this on Facebook.