Saraakiisha Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya ayaa ku hanjabay In gacanta lagu soo dhigi doono Ragii ka dambeeyay dhaawac iyo dhimasho loo geystay Madax iyo ciidamo ka Tirsan kuwa Maamulka Koofur Galbeed soomaliya oo shalay galinkii dambe lagu weeraray degmada Bardaale ee Gobolka Baay,
Maxamuud Maxamed Jiirow oo kamid ah ah saraakiisha Ciidamada Maamulka Konfur Galbeed Soomaliya oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in saakay ay socdaan Howlgalo lagu baacsano ragii shalay weerarka ku qaaday gadiid uu la socday Gudoomiye ku-xigeenka dhanka Maaliyada dhanka Bardaale ee Gobolka Baay,
Dhanka kale Mas’uuliyada weerarkii lagu qaaday Baabuurka uu la socday Gudoomiye ku-xigeenka dhanka maaliyada degmada Bardaale ee Gobolka Bay waxa sheegtay xarakada al-shabaab.


Af waakoo may laka aamee waa maahmaah reer baydhabo waan ku daba jiranaa iyo waan canbaareyneynaa kama weynaadaan ilmo ibliis