Dhageyso: Raisulwasaaraha Soomaliya oo Gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud

1

Wafdi uu Hogaaminaayo Raisulwasaaraha soomaliya Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke ayaa gaaray  goor dhaweyd  Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Wafdiga Raisulwasaare waxaa kamid ah wasiirka Arimaha Gudaha dowlada Soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa, Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed  iyo xubno,

Waxaa Magaalada cadaado ee Gobolka Galgaduud kusoo dhaweeyay Madaxda Maamulka Galmudug  uu ugu Horeeyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed iyo Madaxweyne ku-xigeenka Iyo Madax kaloo ka Tirsan Maamulka Galmudug,

Wafdi Raisulwasaaraha ayaa loo Galbiyay Xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Maamulka Gamudug Halkaas uu kulan kula leeyahay Madaxda Maamulka Galmudug,

Dhanka Kale Raisulwasarae Cumar C/rashiid Cali sharmarke ayaa Lagu wadaa In uu gaaro Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug halkaas oo lagu wado in loogu dhaqaaqo Heshiis ay wada gaareen Maamulada Galmudug iyo Puntland oo dhawaan ciidamo ka kala Tirsan ay ku dagaalameen Magaalada Gaalkacyo,

 

1 YORUM

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here