Fanaanka Nimcaan Hilaac Oo Xabsi La Dhigay

0

Ciidamada dowlada suudaan ayaa xabsiga dhigay Fanaanka Da’da yar ee Nimcaan Hilaac xili mudooyinki danbe fanaanka uu joogay dalka suudaan.
Fanaanka oo la sheegay in marki hore ay suudaan ugu yeereen dhallinyarada soomaaliyeed eek u nool magaalada Khartoum.

Fanaanka oo doonayay in Bandhiga faneed uu u qabto soomaalida ku nool suudaan waxaa la sheegay in hoolki lagu qaban rabey bandhiga xili ka hor inta uusan bandhiga bilaaban in ay gudaha u galeen ciidamada booliska wadanka suudaan islamarkaana ay joojiyeen bandhiga waxa ayna hore u ka xeysteen Fanaanka iyo dhallinyaro kale.

Nimcaan hilaac ayaa la sheegay in dowladda Suudaan in ay ku heysato in showga uu qabanayo aysan dowladda ka warqabin islamarkaana dhallinyaradi hurmuudka ka aheyd Bandhiga in marki hore ay booliska ku wargeliyeen in ay qabanayaan Xaflad Aroos balse booliska marki xaflad in aysan meesha ka socon marki lagu soo war geliyay sidaa ay bandhiga u hakiyeen.

Soomaalida ku nool suudaan ayaa haatan wada dadaalo lagu doonayo in lagu siidayo fanaanka iyo dadka la xiran.

Dhinaca kale Suudaan ayaa sharci gaar ah u sameysay fanaaniinta iyo bandhigyada nuucaan oo kale ah iyadoo dowladda hoose ee Khartoum ay lacagta meesha kasoo baxda ay ku leedahay qayb oo ay wax ka ogaanayaan waxii la qabtay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here