Waxaa dagaal xoogan uu ka qarxay xeebta degmada caluula ee gobolka Bari iyadoona la maqlayo dhawaqa risaasta.
Dagaalka oo ay qaadeen ciidamada badda puntland iyo ciidamo kuwa dhulka ah waxa ay ku bartilmaameedsanayaan koox dhawaan afduubatay markab ganacsi waxana markabka lagu heystaa xeebta degmada caluula.
Kooxda markabka saaran oo lagu qiyaasay tiradooda 40 qof oo u badan dadka ka soo jeeda degmada caluula waxa ay isku dayayaan in ay iska difaacaan ciidamada inkastoo risas xoogan labada dhinac ay isweydaarsanayaan.
Puntland ayaa diidan in la siiyo kooxda markabka heysata lacag madax furasho ah waxana dadka saaran markabka oo gaaraya 8 qof oo shaqaale ah waxa ay ka soo jeedan wadanka Siri-lanka.
Kooxda markabka heysata waxa ays ahley dalbadeen lacag madax furasho ah waxana ay ku hanjabeen in ay dhibaateyndoonaan dadka ay heystaan hadii aan loola soo deg degin lacagta ay doonayaan.
Idaacadda Simba oo xariiro la sameysay dadka ku nool degmada caluula waxa ay u xaqiijiyeen in haatan dagaal xoogan uu xeebta ka socdo.

