Galmudug oo War Kasoo Saartay Gabar 7-sano jir Aheyd oo Lagu Gowracay Cadaado

0

Wasiir ku xigeenka Cadaaladda ee maamulka Galmudug Maxamuud Guure Guuleed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Cadaado ayaa sheegay in cadaaladda la marin doono dad loosoo qabtay kiiska gabar 7-sano jir aheyd oo lagu gowracay Magaaladaas.

Maxamuud Guure Guuleed ayaa tilmaamay In Ciidamada amaanka Galmudug ay tiro dad ah ay usoo qabteen falkaas, iyo falal kale oo ka dhacay Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ah ee Maamulka Galmudug.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka cadaaladda ee maamulka Galmudug Maxamuud Guure Guuleed ayaa ugu baaqay Ciidamada Booliska Maamulka Galmuudug , in baaritaankaasi ay dedejiyaan, isaga oo shacabka Cadaado ugu baaqay in ay xasiloonida ka shaqeeyaan.

“Waxaan bulshada u sheegayaa in cadaaladda la horkeeni doono dadka ku eedeysan dilka gabadhan, waan la hadalnay cid walbo oo ay arrintan quseysyo, bulshada waxaan leeyahay is deji, haddii qof dambi galo lama sameeyo dambi kale, wixii sharciga qabo ayaa la marsiin doonaa, jid sax ah oo cadaalad ah ayaa la marsiin doonaa, mas’uuliyiinta Booliiskana waxaan ugu baaqayaa in arrintan ay soo dedejiyaan”

Xaafadda Karaama uu duleedka magaalada Cadaado waxaa dhawaan lasoo dhigay Meydkad Gabar 7-sano jir aheyd oo la gowracay, dadka Magaaladaas ayaa dhigay Banaanbax ay kaga soo horjeedeen arintaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here