War Deg Deg:-Maamulka Gobolka Banaadir oo Amar Culus Soo Saaray

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) oo goordhaweyd shir jaraaid ku qabtay gudaha Suuqa Bakaraaha ayaa go’aan kasoo saaray qilaaf u dhaxeeyay Ganacsatada Suuqa Khaliifa iyo Mamulka Degmada Holwadaag ee Gobolka Banaadir.

Qilaafka u dhaxeeyay Ganacsatada Suuqa Khaliifa iyo Mamulka Degmada Holwadaag ee Gobolka banaadir ayaa ku aadanaa dhanka dhismaha Suuqa Khaliifa oo dhawaan uu dab ka kacay, kaasi oo baabi’iyay dhamaan wixii hanta ahaa.

Gudoomiye Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale( Madaale) ayaa amar ku bixiy in Ganacsatada ay dhisan karaan Suuqa Khaliifa ee Gudaha Suuqa Bakaraaha ee Magaalada muqdisho islamarkaana aysan dhici doonin cid is hor istaag ku sameyn karta in ay dhistaan goobahooda Ganacsiga.

Dhanka kale Gudoomiye Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale( Madaale) oo la kulmay Ganacsatada suuqa ayaa ugu baaqay inay furaan waddooyinka ay dabdamika maraan xiliga uu dab ka kaco suuqa Bakaaraha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here