Maareeye:-“Ganacsatada Soomaliyeed Waa Tuugo, Waxayna Ka Faa’ideysteen Nidaam Xumida”,+Dhageyso

0

Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadii waqtigeeda uu dhamaaday ee Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo maanta ka qeyb galay kulan loogu hadlaayay Abaaraha oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ganacsatada Soomaliyeed ay yihiin dhamaantooda kuwa Tuuga ah.

Wasiir Maareeye ayaa tilmaamay in qaar kamid ah Ganacsadata Soomaliyeed ay dhowr account ay ku leeyihiin Xaawaladaha dalka ku yaala iyo Bankiyada Caalamka, islamarkaana aan la qiyaasi Karin Ganacsade walba hantida uu haysto taasina ay ku timid nidaam la’aanta dalka ka jirta.

“Nidaam ayaa jira, qof walba Tuug wuu noqon karaa, balse waxaa jira Caqiido uu kaga cabsanayo, ama sharci dalka u yaala ayaa jira oo xiraya, way jiraan dad caqiido leh oo cabsanayo balse hab adag ayaan la laheyn, Ganacsade kasto waxa uu leeyahay dhowr Accoun, banki hebel account ayuu ku leeyahay Xawaaladda hebel lacag ayaa u taala, Ganacsatada waa tuugo, waxayna ka faaideysteen nidaam xumida iyo system la’aanta dalka ka jirta”, ayuu yiri wasiir Maareeye.

120107_002

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here