Warbixin:-Qorshaha Qaybinta Wasiirada Cusub ee Xukuumadda iyo Qaabka Magacaabidooda (Akhriso)

0

Dowladan cusub ee Soomaaliya oo ah Jamhuuriyad Federaala ahna xukuumad dimoqraaddi ah oo ku dhisan matilaadda dadweynaha taa oo la rumeysan yahay in loo dhamaan doono xukuumada lagu wado in maalmaha fooda inagu soo hayo la soo dhiso ayaa la saadaalinayaa in ay ku saleysnaan doonto nidaamka asxaabta badan iyo cadaalad Bulshadeed oo si wadajir ah beelaha soomaalida u wada qeyb sadaan-ayaa hada waxaa jirta in ay soo ifbaxayaan u loolamida jago wasiir-nimo oo shaqsiyaad qaar kood ay yihiin kuwo xilal horay u soo qabtay, qaar kamid ah saaxiibada madaxweynaha iyo waliba qurba joogta soomaaliyeed oo iyaguna u halgamaya jagooyin in ay ka helaan xukuumada la’soo dhameystiri doono.

Waxaana sidoo kale wasaaradaha ugu miisaanka culus oo sida weyn Isha loogu hayo ay kala yihiin : Wasaaraddaha Gaashaandhigga, Maaliyadda, Cadaaladda, Amniga, wasaaradha Arimaha Dibadda iyo Arrimaha Gudaha oo siyaasiyiinta qaar ay sheegayaan in loo magacaabi doono qaar kamid ah wasaaradahan shaqsiyaad horay ugu tirsanaa xukuumadii hore ee Tayo oo uu soo dhisay Mohamed abdullahi Farmajo.

Wado hadalo hor leh ayaa isugu dhiman Madaxda dalka sida madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha Gudoomiyaha golaha shacabka, gudoomiyaha aqalka sare oo lagu falan qeynayo soo xulista xukuumad tayo leh maadaamada dowladan ay ku dhisan tahay danaha dalka iyo dadka sida ilo la’isuku haleyn karo oo ku sugan madaxtooyada inoo xaqiijiyeen iyadoo la filayo 90% in ay ka’imaan doonaan banaanka maadama la’sheegay labada hey’adood ee igu sareysa dalka hal qof uu kawada tirsanaan Karin.

Golaha wasiirada ayaa qiyaas ahaan la rajeynayaa in ay u dhaxeyn doonaan 20 ilaa 30 wasiir waloow ay tahay tiro kabadan xukuumadii hore iyadoo ay jirto warar qilaafsan arinkan oo sheegaya maadama dalka xaalado adag oo abaaro iyo dhaqaale xumi kajirto in Raisul-wasaare wasaare kheyre soo dhisi doono Xukuumad ka kooban 15-Wasiir iyo Wasiiro-dowlayaal kooban.

Ra’isul wasaaraha ayaa la ogeysiinayaa in uu xaq u leeyahay go’aan soo xulista wasiirada iyo in uu maro hannaan caadil ah isagoo waqtigiisa inta badan ku bixinaya ra’yi aruurin ,latashiyo ,kulamo arimaha xukuumada lasoo dhisayo ku aadan iyo in uusan seegin nidaamka awood qeysiga dalka beelaha Soomaaliyeed ee Habk marjaca u noqday Dowladihii isaga kaga horeeyay Talada dalka oo tan iyo sannadkii 2007-dii lagu dhaqmayay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here