Keating oo La Kulmay Raiuslwasaare Kheyre iyo Guddoonka Aqalka Sare

0

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa maanta la qaatay Raiuslwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre iyo Guddoonka aqalka sare ee dalka.

Ugu horeyntii Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya kula kulmay xafiisyadda madaxtooyadda Soomaliya labada mas’uul ayaa kawada hadlay arrimo badan oo ku aadan caqabadaha hor-taagan Ra’iisul Wasaaraha, sida wax ka qabashada xaalada abaareed iyo magacaabida Golaha Wasiirada.

Raisul WasaarahaXukuumadda Soomaliya kheyre ayaa sheegay in Xukuumadda uu soo dhiso doono ay xoogga saari doonto arrimo badan, gaar ahaan arrinta gurmadka abaaraha oo ah caqabada koowaad.

Dhanka kale Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa xarunta aqalka Sare ee degmada Shibis waxa uu kula kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiye kuxigeenka Aqalka Sare Abshir Axmed Bukhaari iyo Senatarada.
Guddoonka Aqalka sare ayuu kala hadlay Danjire Keating howlaha horyaala Aqalka sare iyo waajibaadka, iyadoo Danjiruhu soo dhoweeyay habsami u socodka howlaha ka socda Xarunta Aqalka sare.

Keatinga ayaa maalin shalay aheyd xrunta Madaxtooyadda Soomaliya kula kulmay Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyagoo kala hadlay Abaaraha dalka ka jira iyo sidii loogu gurman lahaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here