Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa sheegay in sharciga la horkeeni doono mas’uuliyiinta ka Tirsan Maamulka ee lagu eedeeyay in ay lunsadeen gargaar loogu talagalay shacabka ku nool Gobolada Koonfur galbeed Soomaliya.
Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Dhirta iyo dhaqa Koonfur Galbeed Mudane Madoobe Nuunow Maxamed oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay In ay jiraan wararka ku aadan in mas’uuliyiin ka Tirsan koonfur Galbeed Soomaliya ay lunsadeen gargaar loogu talagalay shacabka.
“Runtii way jiraan wararka ku aadan in la xiray Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya kuwaasi oo lagu eedeeyay In ay lunsadeen gargaar loogu talagalay shacabka koonfur Galbeed Soomaliya, cid walba uu lunsato gargaar loogu talagalay shacabka waxaa la horkeeni doonaan sharciga”, ayuu yiri Madoobe Nuunow Maxamed.
Saldhiga Ciidamada AMISOM ee Degmada Ceel-jaalle ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa shalay lagu xiray Mas’uuliyiin ka Tirsan koonfur Galbeed Soomaliya oo lagu eedeeyay in ay lunsadeen gargaar loogu talagalay shacabka.
Xubna la xiray ayaa kala ah Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga iyo Siyaasadda Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Xasan Shiine oo sidoo kale kamid ah Xubnaha Guddiga Gurmadka Abaaraha Koonfur Galbeed iyo wasiirka Gargaarka Iyo Naafadda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Cabdi Muuse.

