Faah-faahin:-Dagaal Ka Dhacay Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose ayaa ku waramaya in dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka Jubba-land oo garab Malatari ka helayay Ciidamada Kenya iyo Al-shabaab in uu ka dhacay degmada Afmadow.

Dad ku sugan Degmada Afmadow oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan islamarkaana ay soo qaadeen dagaalyahanada Xarakada Al-shaabab.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga qasaaraka ka dhashay dagaal ka dhacay Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose.

Degmada waxaa todobaadkii aynu soo dhaafnay ku dagaalamay Ciidamada Maamulka Jubba-land oo garab Malatari ka helayay Ciidamada Kenya iyo Al-shabaab, Kenya oo war kasoo saartay dagaalkaas waxa ay sheegtay In dagaalyahanada Al-shabaab dagaalkaas loogu dilay 57-askari.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here