Gabar Todobo sano jir Aheyd oo u Geeriyootay Gaajo iyo Haraad Gobolka Galgaduud

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud bartmaha dhulka Soomaliya ayaa ku waramaya in xalay halkaasi ay ku geeriyootay gabar Todobo sano jir aheyd.

Inantaan yar ayaa la sheegay in ay u dhimatay gaajo iyo haraad waxaana ay ka mid aheyd dad ay saameeyn xoogan ku yeesheen Abaarta adag ee ka jirta deegaanada Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka Soomaliya.

Mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka kusoo barakacay deegaanka aysan haysanin wax gargaar ah taasina ay keentay in gaarkood ay u dhintaan gaajo iyo haraad.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here