Hay’adda IOM oo Dalbatay Lacag Dheeraad ah Si Wax Loogu Qabto Abaarta

0

Hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee IOM ayaa ka codsatay deeqbixiyayaasha caalamka lacag gaareysa 24.6 Million oo Doller si wax loogu qabto xaaladaha deg-dega ah ee soomaaliya oo in kabadn hal million ay saameysay abaaraha ku dhuftay gudaha dalka.

Hay’adaha gargaarka bini’aadanimada ayaa aad kaga walaacsan xaalada imika dalka ka jirta oo ay sheegeen in ay lamid noqon korto abaartii 2011 –kii ku dhufatay gudaha dalka soomaaliya oo saddex meelood hal million oo qof oo soomaali ah ay ku dhinteen sida lagu sheegay war saxaafadeed ay soo saartay hay’ada qaxootiga ee IOM.

“Waxaan ugu magac darnay abaarta sanadkan Odi Kawayn oo ah mid ka’weyn odiyaasha sida haweeney lagu magacaabo Halima oo dhibane u ah abaarta u sharaxday hay’ada IOM.

Codsiga IOM ee lacagtan ayeey sheegtay in loogu tala galay wax ugu qabashada abaaraha dalka ku dhuftay iyo balaarinta caawinaada oo lagaarsiiyo ilaa waqooyi bari qaarada Africa.

Waxaa sidoo kale hay’adu ay tilmaamtay xaaladaha bini’aadanimo ee sii xumaanaya in si deg-deg ah loo baahan yahay in looga hortago taa oo hay’adaha arimaha bini aadanimada ay ku qiyaaseen in ay saameysay 6.2 Million oo qof kuwaa oo u baahan cuno, biyo, nafo qeyn , deegaan nadiif ah iyo how ay ku noolaadaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here