War Deg Deg:-Weerar Bam oo Goordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Boosaaso

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa ku waramaya in bambo gacmeed goordhaweyd lagu tuuray Xarunta Maxkamadda Darajada koowaad ee Magaaladaas.

Inta la xaqiijiyay 4-ruux ayaa ku dhaawacantay bambo gacmeed lagu tuuray xarunta Maxkamadda sida goob joogayaal u sheegeen idaacadda simba ee Magaalada Muqdisho.

Falka kadib waxa goobta gaaray Ciidamada amaanka maamulka Puntland kuwaasi oo howlgalo ka sameeyay, mana jirto cid loo soo qabtay falkaan goordhaweyd ka dhacay magaalada Boosaaso.

Boosaaso ee Gobolka Bari waxaa kusoo badanayay mudooyinkii dambe falalka amniga lidiga ku ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here