Wararka ka imaanaya Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in Xubno ka tirsan Guddiga Gurmadka Abaaraha Koonfur Galbeed Soomaliya oo lagu eedeeyay in ay lunsadeen Lacagtii Loogu Talo Galay Shacabka Magaaladaas in Lagu Xiray Saldhigga Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee deegaanka Ceel-jaalle.
Xubna la xiray ayaa kala ah Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga iyo Siyaasadda Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Xasan Shiine oo sidoo kale kamid ah Xubnaha Guddiga Gurmadka Abaaraha Koonfur Galbeed iyo wasiirka Gargaarka Iyo Naafadda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Cabdi Muuse.
Dhinaca kale Wasiirka Gargaarka Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Siyaasada ee Gobolka Shabelada Hoose Xasan Abuuka Jimcaale, In Dowladu ku war gelisay Labo Maalin Gudohood hadii cadeytna lacagaha ay lunsadeen ku keeni waayaan ay weeyidoonaan xilka Ay Dowlada ka hayaan.

