Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamul Goboleedka Hirshabelle iyo Wafdi Xildhibaano ah uu hogaaminaayay ayaa goordhaweyd gaaray Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulkaas.
Wafdigaan ayaa ka amba-baxay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya, waxaa hogaaminaya Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle Shiikh Cusmaan Barre.
Safarka wafdigaan wuxuu ahaa mid deg deg ah, maadaama Xildhibaanada Maamulka Hirshabelle ay aad ugu kacsan yihiin Madaxweyne Cali C/laahi Cosoble oo ay ku eedeeyeen In uu soo magacaabay wasiiro dhankiisa ka yimaaday.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo Saxaafadda kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Jowhar, ayaa wuxuu sheegay in shaqooyin badan ay horyaalaan Baarlamaanka Maamulka, islamarkaana laga doonaayo inay Xildhibaanada qabtaan shaqooyinkaasi.
Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa soo hadal qaaday khilaafka u dhaxeeya Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka iyo madaxweyne Osoble,wuxuu ugu baaqay xildhibaanada mooshinka wada in ay isdajiyaan islamarkaana si sharci ah loo mari doono wax walba.










