Xildhibaano Ku Xaniban Xarunta ay La Wareegeen Ciidamada Gadoodsan

0

Wararka kasoo kordhaya Ciidamadii la wareegay Xarunta Baarlamaanka maamulka Puntland ee Magaalada garoowe ayaa ku waramaya in 15 Xildhibaan oo ka Mid ah Xubnaha Gudiga joogtada ah ee Barlamaanka Puntland ay ku xaniban yihiin Xarunta Golaha Baarlamaanka iyadoo loo diiday in ay Dibada usoo baxaan.

Ciidamada la wareegay xarunta ayaa la sheegay in ay jareen wadooyinka soo gala xarunta Baarlamaanka maamulka Puntland ee Magaalada Garoowe, waxaa sidoo kale jira rasaas ay kor u ridayaan Ciidamada Gadoodsan.

Sidoo kale waxaa jira Ciidamo kale oo ka Tirsan kuwa Maamulka Puntland oo la wareegay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulkaas.

Ciidamada la wareegay xarunta Baarlamanka Puntland ayaa la sheegay in ay ka cabanayaan musharaad la’aan 7-bilood ah.

Puntland wali kama aysan hadlin arintaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here