Ciidamo gadoodsan oo ka Tirsan kuwa Maamulka Puntland ayaa goordhaweyd la wareegay xarunta Baarlamaanka Maamulkaas ee Magaalada Garoowe,iyagoo sidoo kale xiray wadooyinka gala xarunta.
Ciidamada la wareegay xarunta Baarlamanka Puntland ayaa la sheegay in ay ka cabanayaan musharaad la’aan 7-bilood ah,ciidamada ayaa sidoo kale la wareegay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulkaas.
Puntland ayaa beryahan dambe waxaa ka taagnaa xasilooni darro siyaasadeed, waxaana xalay magaalada Boosaaso ee Gobolka bari lagu xiray Nabadoon C/qaadir Axmed Xarago oo ah afhayeenka odoyaasha dhaqanka gobolka bari oo Shalay ka hadlay in la Jir dilo Maxaabiista ku Xiran Xabsiyada Magaalada Boosaaso.
Sidoo kale isla shalay waxaa iscasilay agaasimihii madaxyooyadda Maamulka Puntland ee Magaalada Garoowe.




