Wararka haatan naga soo gaaraya Xaafadda Ceel dheere ee Degmada Dharkenley ayaa ku waramaya in kooxo hubeysan ay halkaas ku dileen Xildhibaan hore oo ka Tirsanaa baarlamankii Dowladii KMG aheyd ee Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan.
Shaqsiga la dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay c/qaaidr waxa uu horey ugu tirsanaa Baarlamankii dowladii C/qaasim balse haatana waxa uu kamid ahaa shaqaalaha xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka baarlamanka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan (jawaari)
Kooxda dilka u geystay ayaa Sidoo kale Ala Ha u Naxariistee C/Qaadir Qaasim Mursal ka qaatay Gaari uu watay,waxa goobta uu dilka ka dhacay soo gaaray Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaliya oo goobta ka sameeyay baaritaan.

