Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaliya ayaa sharaxaad ka bixisay sababaha keenay in uu qaali noqdo Paasa-porka Soomaliya.
Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in qalabka lagu sameeyo Paasaboorka Soomaaliya uu yahay mid qaali ah, taasina ay tahay sababta.
Waxa uu sidoo kale sheegay in wasaarada Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaliya ay dajisay qiimaha lagu sameynayo Passport-ka Sooomaliya oo sida uu sheegay lagu saleeyay Habka maaliyadeed iyo qiimaha qalabka uu joogo.
Ugu dambeyntii agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya (Koofi) ayaa ka hadlay hadal heynta ku aadan dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska in aan laga aqoonsaneen Passport-ka Sooomaliya, waxa uu sheegay in dowladda Cusub ee Soomaliya ay xiligaan ku tala jirto sidii dalalkaas ugu dhaadhicin laheyd sidii loo aqoonsan lahaa Passa-porka Soomaliya.

