Madaxweynayaasha Soomaliya iyo Jabuuti oo Dhagax Dhigay Safaarada Jabuuti ay Ku Leedahay Muqdisho

0

Madaxweynayaasha Soomaliya iyo jabuuti Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta si wadajir ah u dhagax dhigay dhisamaha safaarada Jabuuti ay ku leedahay Muqdisho.

Labada Madaxweyne ee Soomaliya iyo jabuuti ayaa waxaa sidoo kale wehlinaayay qaar kamid ah Hogaamiyayaasha maamulada dalka, Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin dhowr ah.

Danjiraha Dowlada Djibouti ee Soomaliya ayaa iminka si KMG ah uga howlgala dhul ay Dowladda Federaalka Soomaliya ku siisay si KMG, waxaana iminka lagu wadaa in dhismo degdeg ah lagu bilaabo dhulka ay labada Madaxweyne dhagax dhigeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here