Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru kenyata ayaa goordhaweyd soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Somaliya si uu ugu qeyb galo xafladda caleema-saarka Madaxweynaha dalka Soomaliya maxamed c/laahi maxamed farmaajo.
Madaxweyna dalka Kenya Kenyatta ayaa la sheegay in Goordhaweyd qadka Taleefanka ay kuwada hadleen Madaxweyne Farmaajo, wuxuu ugu dambeyntii ogolaaday inuu kasoo qeybgalo munaasabada Caleema-saarka.
Warbaahinta dalka Kenya ayaa cadadkooda ugu danbeeyay waxaa lagu qoray saakay inay suuragal tahay inuu baaqdo Madaxweynaha Kenya Uhuru kenyata, sababo la xiriira ololihiisa Doorasho ee heerka Madaxtinimo ah.

