Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo Maanta gaaray Magaalada Kismaayo+ Sawiro

0

Waxaa Maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta  Gobolka Jubada-Hoose  gaaray Wafdi balaaran uu Hogaaminayay Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Aadan Axmed

Wafdiga Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Aadan Axmed  waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Saraakiil ka Tirsan ciidamada xoogga dalka soomaliyeed ee ku sugan Magaalada Kismaayo , Saraakiisha Ciidamada Midowga Africa Amisom iyo Madaxda Maamulka Juba-land ee Kismaayo.

Maxamed Adem Axmed  ayaa la sheegay in safarkiisa Magaalada Kismaayo uu ku aadanaa sidii loo diiri Galin lahaa ciidamada dowlada soomaliya oo mudooyinkii dambe dagaalo kula jiray xarakada al-shabaab,

Sidoo kale Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed intuu ku sugnaa Magaalada Kismaayo waxa uu kormeeray gaadiid cusub oo dhawaan loogu deeqay  Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee qeybta 43-aad ee Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada-Hoose.

C360_2015-11-23-14-52-22-243_resized 20151123_113855_resized_1 20151123_112835_resized_1 20151123_112600_resized_1 20151123_112509_resized_2

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here