Waxaa Maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada-Hoose gaaray Wafdi balaaran uu Hogaaminayay Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Aadan Axmed
Wafdiga Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Aadan Axmed waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Saraakiil ka Tirsan ciidamada xoogga dalka soomaliyeed ee ku sugan Magaalada Kismaayo , Saraakiisha Ciidamada Midowga Africa Amisom iyo Madaxda Maamulka Juba-land ee Kismaayo.
Maxamed Adem Axmed ayaa la sheegay in safarkiisa Magaalada Kismaayo uu ku aadanaa sidii loo diiri Galin lahaa ciidamada dowlada soomaliya oo mudooyinkii dambe dagaalo kula jiray xarakada al-shabaab,
Sidoo kale Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed intuu ku sugnaa Magaalada Kismaayo waxa uu kormeeray gaadiid cusub oo dhawaan loogu deeqay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee qeybta 43-aad ee Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada-Hoose.






