War kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Xukuumadda federaalka Soomaliya ayaa lagu sheegay in 22-ka bishaan oo ku beegan arbacada soo socota la hakin doono Duulimayadda Garoonka Diyaaraddaha Magaalada muqdisho.
Sababaha loo hakin doono ayaa lagu sheegay in maalinkaas la qaban doono xafladda caleema-saarka madaxweynaha Soomaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo 8-dii bishaan ku guuleystay xilka madaxweynaha Soomaliya.
Xafladda Caleema-saarka madaxweynaha Soomaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladaha Calaamka waa sababaha ugu weyn ee loo hakiyay Duulimayada Garoonka Muqdisho.

