Dowladda oo Sheegtay in 22-ka Bishaan La Hakin Doono Duulimayadda Garoonka Muqdisho

0

War kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Xukuumadda federaalka Soomaliya ayaa lagu sheegay in 22-ka bishaan oo ku beegan arbacada soo socota la hakin doono Duulimayadda Garoonka Diyaaraddaha Magaalada muqdisho.

Sababaha loo hakin doono ayaa lagu sheegay in maalinkaas la qaban doono xafladda caleema-saarka madaxweynaha Soomaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo 8-dii bishaan ku guuleystay xilka madaxweynaha Soomaliya.

Xafladda Caleema-saarka madaxweynaha Soomaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladaha Calaamka waa sababaha ugu weyn ee loo hakiyay Duulimayada Garoonka Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here