Hanti dhowrka Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa sharcidaro ku tilmaamay miisaaniyada sanadka 2017-ka oo ay shalay ansixiyeen Golaha Wasiirada, isagoo xusay in aan xisaab xir lagu sameyn miisaaniyadii sanadkii 2015-kii.
Dr. Nuur Faarax Jimcaale Hanti dhowrka Guud ee Qaranka ayaa sheegay in wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaliya uu qaadi doono mas’uuliyadda qudobo siro ah oo lala baal maray sharciga u yaala dalka.
Sidoo kale Hanti dhowrka Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa tilmaamay in qodobo cadeyna in xisaab xir lagu sameeyay miisaaniyadii sanadkii 2015-kii, In aan lasoo gaarsiinin xafiiska Hantidhowraha guud ee qaranka Soomaliya.
Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay yeeshay kulan aan caadi ahayn oo ay kaga doodayeen Miisaaniyadda 2017, iyo ansixinta xisaab-xirkii Miisaaniyaddii 2015. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carteh.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegtay in guddoonka Baarlamaanku ka codsadeen in ay soo diyaariyaan Miisaaniyadda dowladda ee sannadkan si looga feejignaado in hawlaha dawladda ay istaageen maadaama miisaaniyadda hadda jirtaa ay ku egtahay bisha March.

