War Deg Deg:-Dagaal Goordhaweyd Ka Bilowday Deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in dagaal culus In goordhaweyd uu ka qarxay deegaanka Camaara ee Gobolkaas, kaasi oo u dhaxeeya Ciidamada Huwanta ah iyo Al-shaabab oo deegaankaas ku xoogan.

Dagaalkan goordhaweyd ka qarxay deegaanka Camaara ayaa bilowday kadib markii la sheegay in ciidamada dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwa maamulka Galmudug ay weerar ku qaadeen deegaankaasi oo ay ku sugnaayeen Xarakada Al-shabaab.

Ciidamada dagaalka kula jira Xarakada Al-shabaab ayaa ka baxay Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado dhanka maamulka galmudug waxayna ujeedkooda uu yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen degmada Xarardheere ee Gobolka mudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here