Kadib geeridii ku timid Alaha u naxariistii safiirkii soomaaliya ee dalka masar u joogay Abdullah Hassan Mahmoud ayaa madaxda sarsare ee dalka masar ay tacsi ugu direen qaranka soomaaliya.
Abdullah Hassan Mahmoud ayaa ku geeriyooday magaalada qaahira ee Caasimada dalka masar.
Wasiirka Arrimaha dibadda dalka masar Sameh Shoukry ayaa sheegay in guud ahaan umada Masar ay Tacsi u dirayaan dowlada soomaliya kadib geeridii ku Timid danjirihii soomaaliya u qaabilsanaa dalka masar.
Allaha u naxariistee danjire Abdullah Hassan Mahmoud ayaa waxa uu gudoomiye u ahaa safiirada carabta iyo kuwa Afrikaan ah ee joogay magaaladda qaahira ee caasimada dalka masar.
Dhanka kale Afhayeenka wasaarada arrimaha dibada dalkaasi masar Ahmed Abou Zeid, ayaa xusay in safiirka uu ahaa nin qaaliya oo door muhiim ah ka ciyaaray xoojinta xiriirka dalalka masar iyo soomaaliya waxaana uu sheegay in uu furo muhiim ah u ahaa isku xirka dalalka carabta.
Ugu dambeyntii danjire Abdullah Hassan Mahmoud ayaa sanado badan ahaa safiirka dalka soomaaliya ee dalka masar u jooga.

