Dhageyso: Baarlamanka Soomaliya oo Maanta Ansixiyay Sharciga Maalgashiga Shisheeye

0

Xildhibaanada Baarlamanka dowlada soomaliya ayaa maanta ansixiyay sharciga Maalgashiga shisheeye oo mudooyinkii dambe ay ka doodayeen xildhibaanada Baarlamanka dowlada soomaliya,

Kulankii Maanta ee xildhibaanada Baarlamanka soomaliya waxaa soo xaadiray 147-xildhibaan waxaana shir Gudoominaayay Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Mudane Maxamed sheikh Cusmaan jawaari,

Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya  oo Mudooyinkii ugu danbeeyey dood ka lahaa sharcigan ayaa waxa u codeeyey ansixintiisa 147 mudane oo fadhiga Baarlamanka xaadir ku ahaa, waxaana ogolaaday 143 xildibaan, waxaana diiday 1 mudane, halka 3 kalana ka aamuseen.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here