Kooxaha Burcad Badeeda Soomalida ayaa la sheegay in ay ku af-duubteen Bariga degmada Eyl ee Gobolka Nugaal Dooni la sheegay in laga leeyahay wadanka Thailand,
Agaasimaha la-dagalanka burcad badeeda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Ducaysane) oo warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in Rag gaaraya 3-burcad badeed ah ay ka dambeeyeen af-duub loo geystay dooni laga lahaa wadanka Thailand,
Waxa uu sheegay Agaasimaha la-dagalanka burcad badeeda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Ducaysane) in doonida la af-duubtay si sharci daro ah kaga kaluumaysanaysay xeebaha deeganada Maamulka Puntland.
Dhanka kale Agaasimaha la-dagalanka burcad badeeda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir waxa uu sheegay in kooxaha Burcad badeeda ay doonida ula dhaqaaqeen dhanka degmada Ceelhuur ee Gobalka Galgaduud.

