Xoghaya guud ee Qaramada midoobay ayaa ugu horeyntii hambalyo u diray Mohamed Abdullahi Farmaajo kaa oo noqday madaxweynaha Federalka ee Ssoomaaliya.
General Antino Gutters oo ah xoghayaha Qarmada Midoobay ayaa amaanay doorka ciidamada Amisom iyo Ciidamada Qaranka Soomaaliya ay ka’qateen ilaalinta iyo sugida amniga intii lagu guda jiray doorashooyinkii ka dhacay Sooomaaliya.
Xoghaya guud ee qaramada midoobay ayaa u rajeeyay madaxweynaha Soomaaliya Mohamed Abdullahi farmajo in uu si howlkar nimo ah ku soo dhiso Wasiiro ka tirsan Xukuumada oo waxqabad leh.
Dowlada cusub ee soomaaliya iyo xubnaha maamul gobaleedyada federalka ee dalka oo wadajir ah ayaa waxa uu sheegay in ay ka’guuleysan karaan dib u dhiska dalka isaga oo xusay dhameystirka dastuurka iyo aas-aasida ciidamad qaranka soomaalliya in ay dalka u horseedi karto hanaan ku dhisan dowlada wanaag.
waxaaa sidoo kale xoghaya guud ee qaramada Midoobay uu soo hadal qaaday arimaha bini’aadan nimo ee dalka kuwaa oo sababay abaaro iyo xaalado baahsan isago oo tilmaamay in qaramada midoobay marwalba ay soomaaliya la’garab taagan tahay taageero si dowlada soomaaliya ay u caawiso.
Waxaana xoghayaha guud uu ku aamanay beesha caalamka midowga Africa, midowga yurub urur gobaleedka IGAD, midowga jaamacada carabta iyo dalalka deeq bixiyaasha taageeradooda muhiimka ah ee ku aadan nidaamkii doorashooyinka iyo sii wada taageerada arimaha bini’aadanimada ee dalka.
Ugu dambeyntii Xoghaye General Gutters ayaa amaanay madaxweynihii hore ee soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud iyo ra’isul wasaarihiisii Omar Abdirashid Ali Sharmarke qaabkii ay ugu soo wada shaqeeyeen dowldii federalka ee soomaaliya intii ay gacanta ku hayeen xafiiska kuwaa oo fududeeyay in si habsami socod leh xilka loogu wareejiyo madaxweynaha cusub iyo dowladiisa.

