Warar lagu kalsoonan karo oo ay halayso idaacadda Simba ayaa ku waramaya in wada-hadal waqti dheer qaatay kadib in Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu ku ogaaladay in ilaaladiisa ay kamid noqdaan Ciidamada Midowga Afrika AMISOM oo horaan uu diiday.
Ciidamada ka Tirsan AMISOM ee ku sugan Xarunta Madaxtooyadda Soomaliya ayaa la sheegay in wixii xiligaan ka dambeeya ay kamid noqon doonaan ilaaladda Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo kadib markii ay soo baxeyn warar sheegaya doorashadi kadib ay In uu diiday madaxweynaha in ay ilaaliyaan Ciidamada AMISOM.
Saraakiil ka Tirsan Ciidamada AMISOM iyo Madaxweyne Farmaajo oo kulan wada qaatay ayaa la sheegay In ay kawada hadleen sidii Ciidamada AMiSOM ugu mid noqon lahaayeen ilaalada Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya.

