Maamulka Degmada Buulo-barde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Degmada ay tahay mida Kaliyah ee Gaadiid uusacn gelin islamarkaana diyaarad kaliyah shacabka degmadaasi ay ku adeegtaan.
Gudoomiyaha Degmada Buulo-barde Cusmaan Geedi Cilmi oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay In dhibaato weyn ay qabaan shacabka degmada islamarkaana markii ay wax u baahdaan si wadajir ah ay diyaarad ugu keento.
Sidoo kale Gudoomiyaha Degmada Buulo-barde Cusmaan Geedi Cilmi ayaa sheegay in degmada ay ka jiraan dhibaato dhanka biniaaadanimada ah oo ay ugu horeyso mida caafimaad darada, iyadoo ay ka dilaaceen Cuduro kala duwan oo dad badan ay u dhinteen waa siduu hadal u dhigee.
Dowladda Cusub ee Soomaliya ayuu ugu baaqay in ay wax ka qabato arintaas.

