Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelha Hoose ayaa ku waramaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada AMISOM iyo dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab In uu haatan ka socdo Ceelka Arbacow oo u dhaw Degaanka Ceelasha Biyaha oo Saldhig Malatari ay u leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Dagaalka ayaa waxaa qaaday dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab kuwaasi oo weeraray Saldhig Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin Ceelka Arbacow oo u dhaw Degaanka Ceelasha Biyaha,labada dhinac ayaa isku adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan sida ay inoo xaqiijiyeen dad halkaas ku sugan.
Dhanka kale Dagaalka ayaa waxaa goordhoweyd ku biiray Ciidamada Dowlada ee halkaasi ka howlgalaayay.

