Abaarihii 08:22 daqiiqo waxaa gudaha magaalada Muqdisho laga maqlay dhawaqa tiro hoobiyayaal ah.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya, wararka qaar ayaa sheegaya in hoobiyayaasha lagu weeraray Garoonka Diyaaadaha Magaalada Muqdisho, halka sidoo kale warar kale ay sheegayaan in hoobiyayaasha Bartilmaameedkooda uu ahaa Xarunta Doorashada Madaxweynaha ee Afasiyooni oo ku dhow Garoonka Diyaaadaha Magaalada Muqdisho.
Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in hoobiyayaasha ay ku dhaceen qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir sida Xamar-jajab, waabari, Warta Nabada.
La soco warkaan wixii kusoo kordha

