Dadkii ka barakacay bagaal beeleedyada Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa soo foodsaartay xaalada adag oo dhanka Noolosha ah ka dib colaad iyo abaar is biirsatay oo ka jirta Deegaanada Gobalkaasi.
Jibriil C/laahi Abshir (Garaad Jibriil Yoome)oo ka mid ah waxgarad Gobalka Shabeellaha Hoose oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Sheegay dadka Deegaanadaasi ay Xiligaan wajahayaan dhibaatooyinka ka duwan oo ay ka mid yihiin Colaad u dhexeysa qabaa’ilka Deegaanka iyo Abaar Xoogan oo dadka iyo Duunyadaba saameysay.
Nabadoonka oo sii hadalayey ayaa maamulka Koofur Galbeed iyo Dowlada Soomaaliya ku dhaliilay inaysan waxba u qaban dadka Dhibaatooyinka ay la darseen Xiligaan ee Deegaanada Koofureed Gobalka Shabeelaha Hoose ku nool.

