Ciidamada Amisom oo Bilaabay In ay Xoog Biyaha Ugu Qaataan Shacabka+Dhageyso

0

Dadka ku nool deegaanka hoosingow ayaa ka cabasho Xoogan ka muujiyey  dhibaatooyin ay ku hayaan Ciidamada midowga Afrika ee AMISOM kuwaas oo dil iyo dhacba ugeysta dadka deegaankaasi.

Wararka Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ay ka helayso Deegaanka Hoosingow ayaa Sheegaya  Ciidamada AMISOM oo wata Gawaarida Biyaha qaada ee Booyadaha loo yaqaana ay dadka deegaankaas Xoog u qaadaan Biyaha oo ku yar deegaanka Hoosingow oo iskugu yimaadeen dad meelo kala Duwan ay abaartu ka soo barakicisay.

Midka mid ah dadka deegaanka hoosingow oo Magaciisa ka gaabsada Sababo dhanka Amniga ah oo  Idaacada Simba ugu waramay dhibaatooyinka ayaa Sheegay Ciidamada ay xoog uga dhacaan biyahay deegaanka ku yar ayaga oo adeegsanaya Gaadiid Dagaal iyo Booyaha Biyaha qaada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here