Maamulka degmada Walan-weyn ee Gobolka shabeelaha Hoose ayaa ka warbixiyay duqeyn diyaaradeed oo xalay ka dhacday deegan Hoos Yimaada degmada Walan-weyn ee Gobolka shabeelaha Hoose
Gudoomiyaha degmada Walan-weyn ee Gobolka shabeelaha Hoose xaaji Isxaaq oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay duqeyn xalay diyaaradaha dowlada Marekanka ay ka Fuliyeen deegan la Yiraahdo baladul-amiin oo Hoos Yimaada degmada Walan-weyn ee Gobolka shabeelaha Hoose.
Waxa uu Gudoomiyaha degmada Walan-weyn uu sheegay in duqeynta ay dhacday saqdii dhexe ee xalay wuxuuna Tilmaamay in lagu Fuliyay saldhig ay al-shabaab ku Lahaayeen deegaan Hoos Yimaada degmada Walan-weyn ee Gobolka shabeelaha Hoose.
Sidoo kale Gudoomiyaha degmada Walan-weyn ee Gobolka shabeelaha Hoose waxa uu sheegay in duqeynta lagu Dilay 8-deed ka Tirsan al-shabaab oo ku sugnaa deeganka baladul-amiin oo Hoos Yimaada degmada Walan-weyn ,
Diyaaradaha Drones-ka Marekanka ayaa Mudooyinkii dambe duqeymo ka Fulinayay meelo ay ku sugnaayeen xarakada al-shabaab oo ku Yaala Gobolada dalka Soomaliya .
Dhanka kale wali wax war ah kama soo bixin al-shabaab ay kaga Hadlayaan duqeynta xalay ka dhacday deegaanka baladul-amiin oo Hoos Yimaada degmada Walan-weyn ee Gobolka shabeelaha Hoose.

